Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida hoggaamiyihii mucaaradka Kenya Raila Odinga

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey Dowladda iyo shacabka dalka Kenya, geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii wanaagsanaa ee Raila uu ku lahaa dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo xusay in uu khibrad weyn u lahaa xalinta khilaafyada iyo ilaalinta wadajirka iyo iskaashiga ummadaha.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan walaalahooda Kenya murugada geerida ku timid Ra’iisul wasaare Raila Odinga oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaasha saameynta togan ku lahaa xoojinta xiriirka wadashaqeyneyd, daris wanaagga iyo taariikhda faca weyn ee ka dhaxaysa labada shacab.

Raila Odinga, ayaa xiligaan ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ee ugu weyn dowladda Kenya, waxaana maanta uu geeriyooday dalka Hindiya asiga oo jira da’da 80 sanno.

Leave a Reply

Your email address will not be published.