Baladweyne (Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxan ayaa si gaar ah uga ka dhacay maqaaxi oo ku taalla xaafada Buundoweyn, laanta isbartiibo, waxaana fariisan jiray inta badan ciidamo katirsan dowladda iyo ciidanka deegaanka ee Macawiisleey.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku geeriyooday 3 ruux midi ay haweeney tahay, oo dhammaantood ah dad shacab ah، waxaana sidoo kale ku dhawaacmay ilaa afar ruux oo shacab ah.
Weli macluumad lagama hayo nooca qaraxa, mana jirin askar maqaaxida ku sugneed xiliga uu qaraxa dhacayay, hayeeshe qaraxa ayaa loo maleynayaa inuu yahay mid goobta horay loogu diyaariyay.
Inta badan qaraxyada noocan oo kale ah ayaa waxaa geysta kooxda Al-shabaab, hayeeshee ma jiro dhanka Al-shabaab, war kasoo baxay oo ku sheeganayaan mas’uuliyda qaraxan khasaaraha geystay ee maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sidoo kale weli ma jiro war kasoo baxay laamaha amniga magaalada Baladweyne oo ay uga hadlayaan qaraxa dhaliyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Leave a Reply