Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay furitaanka biyo xireenka Itoobiya

Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabada daaf-furka mashruuca biyo xireenka Itoobiya ee GRAD.

Madaxda dalalka Kenya, Jabuuti, Koonfurta Suudaan, ayaa ka qeyb galay daaf-furka, waxa uuna ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku soo beegay xariga jarka, xili madaxda ay ka qeyb galayeen meertada labaad ee Cilimada Afrika oo soo qaban-qaabiyay midowga Afrika.

Dowladda Itoobiya, ayaa dhismahan soo waday muddo dhowr sanno ah waxa uuna mustaqbalka noqonaya mashruuc weyn, si uu Abiy Axmed uu horay u sheegay, iyada oo inta uu socday dhismaha ay culasyo kala kulmeysay dalalka Masar iyo Suudaan oo uu maro wabiga Nile.

Masharuucan, ayaa waxaa ku baxay la dhan $5 Bilyan oo laga aruuriyay dadka dalkaasi, waxaa loogu magac daray  qaaraanka Qaranka. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed  ayaa hadda doonaya inuu dhab kale u wajaho xaaladan, iyada oo weli ay taagan tahay dooda dalalka Masar iyo Suudaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.