Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Kismaayo, halkaas oo uu wadahadal kula yeelanayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa hadda magaalada Kismaayo ka socota qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo shalay galinkii dambe ay magaaladaas gaareen ilaalada madaxweynaha.

Ajendaha kulanka Kismaayo ayaa ah mid aan xog badan laga hayn, iyadoo la ogyahay in dowlada federaalka aysan aqoon sanayn Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kale dagaallo dhiig badan ku daateen labada dhinac ku dhexmareen gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa isu soo dhoweynta labada dhinac, waxaana hore u jiray wadahadal khadka taleefoonka oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe dhexmaray, kaas oo uu isku xirkiisa lahaa taliyaha sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji.

Amaanka magaalada Kismaayo, ayaa aad loo adkeeyey, waxaana inta badan la yareeyay isku socodka dadka iyo gaadiid, iyada oo waddooyinka qaar ay taagan yihiin ciidamada amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.