Maraykanka oo Xamaas u jeediyay digniintii ugu dambaysay

Washington ( Raxanreeb Online) Ururka Xamaas ayaa sheegay in ay Maraykanka ka heleen hindisayaal loo soo marsiiyay dhexdhexaadiyayaasha oo ku saabsan sidii xabbad joojin looga gaadhi lahaa Qasa.

Bayaan ka soo baxay Maraykanka ayaa Donald Trump uu ugu yeedhay digniintii ugu dambaysay ee Xamaas ee ku aaddan in ay aqbasho heshiiska lagu sii daynayo la haystayaasha Israa’iil.

“Qof walba wuxuu rabaa in la soo celiyo Maxaabiista GURYAHOODII. Qof walba wuxuu rabaa in dagaalkan uu dhamaado! ISR|L waxay aqbashay Shuruudahayga. Waa waqtigii XMS ay aqbali lahayd sidoo kale. Waxaan uga digay XMS cawaaqibka ka dhalan kara haddii ay diidaan. Tani waa digniintayda ugu dambeysa, digniin kale ma jiri doonto! Waad ku mahadsan tihiin fiiro gaar ah oo aad u yeelateen arrintan” ayuu yiri Trump hadda.

Sidoo kale Israa’iil ayaa la sheegay in ay si dhab ah uga fiirsan doonto qorshahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.