Tanzania ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warka sheegaya in la hakiyay sagaalka xubnood u soo xushay baarlamaanka Ururka Bariga Afrika.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ah in Maxkamadda Cadaaladda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EACJ) ay go’aamisay in dib loo celiyo xubnaha Soomaaliya dhowaan u soo xushay baarlamaanka Ururka EAC.
Safiirka ayaa sheegay in maxkamaddu dib u dhigtey oo keliya waqtiga ay soo saarayso go’aanka kama dambayska ah ee dacwadda.
Siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa dacwaayay xubnahan, kuwaas oo ku dooday in lagu soo xulay nidaam aan daahfurnayn oo waafaqsanayn shuruucda ururka.

Leave a Reply