Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda abaaraha ka jira gayiga Soomaaliyeed iyo saameynta dhanka biyaha iyo cuntada ah ee ay ku yeelatay dalka.
Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta kharaha iyo Musiibooyinka,
kaas oo dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka hortagga, iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah ka dhasha.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo siyaasado muhiim u ah horumarka hey’addaha ay khuseyso kuwaas oo lagu tayeynayo adeegyada dowladda waxa ayna kala yihiin.
1.Heshiis is afgarad oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi gaadiidka Badda. 2. Axdiga shaqaalaha Badda 2006 3. Axdiga Caalamiga ah ee cabbirka culayska Maraakiibta ee 2969.
Ugu dambeyn golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo dhabta kala duwan ee ay la kulmaan dhallinayarada Soomaaliyeed ee naftooda ku biirmeeya khataha tahriibka.

Leave a Reply