Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Kulan looga hadlayay amniga degmada Balad-xaawo iyo deegaanada hoosyimaada ayaa maanta lagu qabtay degmada Baladxaawo ee gobolkaasi.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Deegaannada Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinur (Cabdirashiid Janan).
Shirkan ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni ee gudaha degmada, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa, iyada oo awaamiir cadcad oo lagu adkeynayo sugidda amniga laga soo saaray kulanka.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gashaanle Sare Cismaan Xaaji, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo col adan maxamed siyaad (adan dhafoorey) gudoomiye ku xigenka maamulka iyo maaliyada gobolka gedo Naseeh Abdi Saalah iyo xubno ka tirsan maamulka degmada iyo saraakiil kale oo amni.
shirka oo saacado qaqtay ayaa waxaa hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta hay’adaha amniga iyo maamulka degmada, waxaana la isla qaatay go’aan mideysan oo degmada looga xoreynayo degmada iyo nawaaxigeeda maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Taliyaha hay’adda nabad sugida ee deegaanka Jubbaland Cabdirashiid Janan, ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta laga sameeyo degmada iyo deegaannada ku xeeran howlgallo amni oo ballaaran, kuwaas oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada, laguna ciribtirayo khatar kasta oo amni.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa faray in la sameeyo baaritaanno amni oo guri-guri ah, si loo hubiyo amniga guud ee degmada, loogana hortago falalka lidka ku ah nabadgelyada shacabka.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ku boorriyay ciidanka in ay laba jibbaaraan waajibadkooda shaqo, kana shaqeeyaan ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isagoo ku adkeeyay in amniga degmada uu yahay wajib.


Leave a Reply