Maxey kawada hadleyn Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Jabuuti ?

Jabuuti ( Raxanreeb Onlin) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah, iyada oo ay labada Madaxweyne ka wada hadleen muhiimadda iskaashi buuxa oo ay Jabuuti la yeelato Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo garab istaagga geeddi-socodka xasilinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha banii’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha saameeyay qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Awdal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool Gobolka Awdal.

Intii uu socday kulanka, labada Madaxweyne waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow iyo wada-tashi joogto ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah.

Ugu dambeyntii, labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka wada xariiqeen in xasilloonida, midnimada iyo horumarka Soomaaliya ay saldhig u tahay nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.