Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Socdaalka guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah kormeer iyo dardargelin ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar garowga maamulka ee qabashada doorashada qof iyo codka ah.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo wafdigiisa waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Leave a Reply