Maxey tahay ujeedka uu wasiir Cali Xoosh u tagay Laascaanood ?

Laascaanood ( Raxanreeb Online) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Socdaalka wasiirka waxaa qeyb ka ah wasiirro, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Timacadde, iyo senatarro ka tirsan Aqalka Sare.

Ujeedka ay mas’uuliyiintan u tageeen magaalada Laascaanood, ayaa waxa ay tahay in ay ka qeyb-galaan Shirweynaha dhameystirka maamul-dhiska SSC-Khaatumo oo maanta halkaas ka furmaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.