Qardho (Raxanreeb Online) Ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Puntland ayaa la wareejiyay guud ahaan amniga gobolka Mudug, kadib markii ay dhawaan tababar ku soo qaateen xerada Xorgoble ee Qardho iyo kulliyadda tababarka Carmo.
Ciidamadan ayaa lagu daabulay dhammaan todobada degmo ee gobolka Mudug ee Puntland, halkaas oo ay la wareegeen saldhigyada, rugaha booliska iyo baraha kantaroolada ee ka howlgala gobolka.
Ujeedada loo geeyay ciidamadan ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo ammaanka guud ee gobolka, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, isla markaana lagu horumarinayo tayada iyo hufnaanta howlaha booliska. Sidoo kale, waxa ay door ka qaadan doonaan dib-u-tababaridda iyo tayeynta ciidamadii horey uga shaqeynayay gobolka.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Puntland ku dooneyso in ay ku adkeyso amniga, la dagaallanka dambiyada iyo hubinta nabadgelyada shacabka.
Dhanka kale, Madaxweynaha dowlad Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa caawa kulan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee gobolka Mudug.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga, dardargelinta adeegyada dowliga ah, iyo dhameystirka mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.

Leave a Reply