Maxkamadda dembiyada oo amar soo qabasho u jartay RW Israel iyo wasiirka difaaca

HAGUE (Raxanreeb online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, iyadoo sidoo kale diidday caqabadaha sharci ee Israa’iil ee ku saabsan awoodda Maxkamadda.

Rugta Maxkamadda ayaa ka jawaabtay laba codsi oo Israa’iil soo gudbisay Sebtember 26, 2024.

Codsigii ugu horreeyay, Israa’iil waxay ku dooday in Maxkamadda ICC aysan awood sharci ah u lahayn inay baarto xaaladda reer Falastiin, gaar ahaan arrimaha khuseeya muwaadiniinta Israa’iil, iyadoo ku saleynaysa qodobka 19(2) ee Heshiiskii Rome.

Codsiga labaad, Israa’iil waxay ka dalbatay Rugta in Xeer-ilaalinta la amro inay bixiso ogeysiis cusub oo ku saabsan bilowga baaritaanka kiiska, sida uu qabo qodobka 18(1) ee heshiiska.

Sidoo kale, Israa’iil waxay doonaysay in la hakiyo dhammaan dacwadaha la xiriira kiiska, oo ay ku jiraan codsiyada waarannada xarigga ee ay soo gudbisay Xeer-ilaalinta May 20, 2024.

Rugta Maxkamadda ayaa gebi ahaanba diidday codsiyadan, iyada oo ku adkeysatay awooddeeda sharciyeed una ogolaatay dacwad-oogayaasha inay sii wadaan kiiska.

“Rugta ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba qof, Mr Benjamin Netanyahu iyo Mr Yoav Gallant, kuwaas oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyo dembiyada dagaal ee la galay ugu yaraan 8 Oktoobar 2023 ilaa ugu yaraan 20 May 2024, maalintii ay Xeer-ilaalintu gudbisay codsiyada waarannada xarigga,” ayaa lagu sheegay amar maxkamadeedka.

Falcelinta la filan karo

Go’aanka Maxkamadda ayaa abuuri kara xaalad adag oo ku saabsan sida ay uga falcelin doonaan dalalka xulafada la ah Israa’iil, kuwaas oo badankood ah saxiixayaasha heshiiska ICC.

Wadamada saxiixayaasha ah waxaa ku waajib ah inay qabtaan shaqsiyaadka ay ICC amarto in la xiro haddii ay soo galaan dhulkooda, kadibna u gudbiyaan Maxkamadda.

Si kastaba ha ahaatee, wali lama oga haddii tallaabo noocaas ah laga qaadi doono Netanyahu iyo Gallant.

Go’aankani waxa uu sare u qaadi karaa xiisadaha u dhexeeya Israa’iil, Maxkamadda ICC, iyo dowladaha taageera Maxkamadda, iyadoo caalamku indhaha ku hayo tallaabooyinka xiga ee kiiskan muranka badan leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.