Milateriga Isra’iil oo halkoodi kasii wada tacdiyadaha ay ka geysanayaan gudaha Gaza.

Gaza (Raxanreeb online) – Ciidamada Israa’iil ayaa wali halkoodii kasii wada tacadiyada ay ka geesanayaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, mana jiro ilaa hadda wax muuqda oo laga qabtay xasuuqa iyo tacdiyada xanuunka badan ay geesanayaan ciidamada Yahuuda.

Sidoo kale, muuqaal laga duubay ciidamada Israa’iil oo dabaq kasoo tuuraya meydadka Falastiiniyiin ay dileen ayaa qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada, waxaana falkan uu abuuray caro iyo cambaareyn xooggan oo meelo kala duwan ka imaaeysay.

Magaalada waqooyiga ku taalla ee Qabatiya una dhaw Jenin, ayaa ciidamada Israa’iil Khamiistii waxa ay ku dileen rag ay ku sheegeen in ay ahaayeen dagaalyahanno, waxa ayna falkan kaddib ragaasi kasoo tuureen dabaq ay saarnaayeen, iyagoona xilligaa kaddib ku qaaday cagaf cagaf ay wateen ciidamada.

War kasoo baxay taliska ciidanka milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in falkan ciidamada ku kaceen uu yahay mid laga xumaado, waxa ayna sheegeen in baaritaanno gaar ah lagu sameyn doono falkan ciidankooda lagu eedeeyay.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo qurbajoogta ee Falastiin, ayaa falkan ay ku kaceen ciidamada Israa’iil ku tilmaamay dambi dagaal, waxa uuna xusay in falkaasi uu muujinayao arxan darada iyo cadaawada ay qabaan ciidamada Israa’iil.

Dhinaca kale, afhayeen amniga Aqalka cad ee dalka Maraykanka John Jibry, ayaa falkan arxandarada ah ay ku kaceen ciidamada Israa’iil  ku qeexay mid naxariis darro ah oo si weyn loo dhibsado, waxa uuna xusay falkaasi haddii ay cadaato noqon doonto mid ceyb ku noqota milatariga Isra’il.

“Hadii ay cadaadato dhabnimada muuqaalkaan, waxay si cad u muujin doontaa cadaawad iyo dhaqan aad u xun oo ay ku kaceen askar xirfadlayaal ah,” ayuu u sheegay wariyeyaasha afhayeenka amniga u qaabilsan Aqalka Cad ee Mareykanka.

Shuruucda caalamiga ah ayaa dhigaya in askarta iska soo horjeeda ay waajib ku ah in ay ilaaliyaan xuquuqda iyo xurmada maydka uu leeyahay, xitaa haddii  uu ku jiro  kan cadowga ay is hayaan askarta dagaalameysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.