UK oo ku dhawaaqday £5 milyan oo la siinayo UNSOS si ay raashiin ugu iibiso Ciidanka Soomaaliya.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Boqortooyada Ingiriisku waxay ku dhawaaqday £5 milyan oo kale oo lagu taageerayo Ciidanka Amniga Soomaaliya (SSF), taas oo lagu bixinayo sanduuqa deeqda ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Maalgelintan ayaa siin doonta taageero muhiim ah oo aan dagaal ahayn sida raashinka, teendhooyinka, qalabka isgaarsiinta, iyo adeegyada daadgureynta caafimaadka hawada.

Safaaradda UK ayaa sheegtay in taageeradan loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda Ciidanka Amniga Soomaaliya si ay ugala shaqeeyaan Howlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyaga oo si tartiib tartiib ah u qaadanaya masuuliyado badan oo amniga qaranka ah.

Shirkii ugu dambeeyay ee Saaxiibada Sanduuqa Deeqda ee Ciidanka Amniga Soomaaliya, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa sheegay sida ay UK uga go’an tahay taageerada:

“UK waa ku faraxsan tahay in ay maalgeliso taageerada QM ee Ciidanka Amniga Soomaaliya sababtoo ah waxaan aqoonsannahay baahida weyn ee loo qabo mustaqbal ammaan iyo xasillooni badan oo ay helaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Maalgelintan ugu dambeysa waxay kordhin doontaa awoodda SSF waxayna siin doontaa kheyraadkii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri safiir Nithavrianakis.

Safiirka Ingiriiska ayaa ku dhiirrigeliyay xubnaha kale ee beesha caalamka in ay ku soo biiraan sidii loo hubin lahaa in SSF ay galaan booskii ugu fiicnaa ee ay qaadi lahaayeen masuuliyadaha amniga gudaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdikariin Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah, isagoo sheegay in taageerada joogtada ah ee Sanduuqa Deeqdu ay muhiim u tahay horumarka joogtada ah ee kaabayaasha amniga qarankeena iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Aisa Kirabo Kacyira, Madaxa UNSOS, ayaa sidoo kale ka codsatay saaxiibada kale in ay ku biiraan sanduuqa deeqda si loo xoojiyo awoodda iyo kartida Ciidanka Amniga Soomaaliya.

“Tani waxay u suurtagelin doontaa in ay si wax ku ool ah ula wareegaan masuuliyadaha amniga ee ciidanka Midowga Afrika oo ay hubiyaan nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda Soomaaliya iyo gobolka,” ayay tiri Kacyira.

Leave a Reply

Your email address will not be published.