Muxuu kala hadlay guddoomiyaha hay’adda SoDMA Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka ee IOM ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Howlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Aduunka (IOM), Ugochi Daniels, oo booqasho shaqo ku timid Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha SoDMA iyo IOM, iyadoo labada dhinac ay ka mideysan yihiin ka falcelinta xaaladaha bini’aadannimo ee dalka ka taagan, kuwaas oo maraya heer aad u xasaasi ah.

Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray, caqabadaha horyaalla howlaha gurmadka bini’aadannimo, fursadaha iskaashi ee lagu xoojin karo wax ka qabashada abaaraha, colaadaha iyo saameenta isbeddelka cimilada, iyo sida degdegga ah ee gargaar lagu gaarsiin karo dadka nugul ee ay sida tooska ah u saameeyeen musiibooyinka iyo barakaca.

Kulankaan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la dardargeliyo hawlgallada wadajirka ah, lana xoojiyo iskaashiga ku saleysan hal-abuur iyo wax ka qabasho waarta oo gaaraysa dadka Soomaaliyeed ee u baahan taageerada bini’aadannimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.