Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamada ammaanka ayaa maanta xiran qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kaddib weerarkii shalay ka dhacay xarunta hay’adda nabad sugida ee Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in ciidamadu ay xakameyaan dhaq dhaqaaqa gadiidka, si ay u xoojiyaan amniga.
Isgoosyada Sanca, Howlwadaag, Darjiinka, Forolanza, Aadan Cadde, Siinaay, KPP iyo isgoosyada isku xiran carwada Qaranka iyo Banaadir ayaa xiran, kuwaa oo la dhigay taayaro iyo calaamadu muujinaya in la joojiyay isku socodka wadada, waxaana ciidamadu ay yihiin kuwa feejigan.
Tallabadan ayaa dhalisay saxmada gaadiidka kala duwan, waxaana isgoosyada xiran buuxa gaadiid kala duwan oo u kala socdaalayay qeybaha kale ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Sikastaba, xayiraadkan cusub ee ku aadan xirnaanshaha isgoosyadan, ayaa timid kaddib weerar qaatay dhowr saacadood oo maleeshiyaadka Al-shabaab, ay ku qadeen xarunta barista ee hoostimaada nabad sugida Qaranka.

Leave a Reply