Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Gudaha Kulliyadda Jaalle Siyaad

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha Kulliyadda Jaalle Siyaad, sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo kala duwan.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay gudaha kulliyadda. Sida wararku tilmaamayaan, ismiidaamiyuhu ma uusan gaarin meel ay joogeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo saf ku jiray, taas oo muujinaysa in bartilmaameedkiisu uu fashilmay.

Ilo-wareedyo qaar ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay joogeen tababarayaal ajaanib ah, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka taageera dhanka tababarka ciidanka.

Ilaa hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin qaraxan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Sidoo kale, lama soo tabin wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.