Qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar kala duwan ayaa kasoo baxay khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo maanta ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeeysa Ex Kontorol Afgooye iyo Haanta Dheere ee Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay 5 ruux oo shacab ah, kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyey Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay tahay meel mashquul badan,  waxaana qaraxa kaddib hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Warshadaha oo muhiim u ah isku socodka magaalada.

Ciidamo katirsan dowladda oo goobta gaaray, ayaa sameeyey baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxa  u dhacay iyo shaqsiyaadkii ka dambeeyey, wallow aysan cidna howlgalka ku soo qaban ciidanka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.