Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka u ambo-baxay dalka Marooko, halkaas oo uu kaga qeybgalayo madasha sanadlaha ah ee MEdays.
Madasha oo sanadkan ay ka soo qeybgalayaan 120 waddan, is lamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada dowladdu ku xoojinayso amniga & dowladnimada.
MEdays oo sanadkan la qabanayo shirkiisii 17-aad, ayaa waxa uu diiradda saarayaa isbeddellada xawliga ku socda ee Siyaasadda caalamka, mustaqbalka amniga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka adduunka.

Leave a Reply