Jigjiga ( Raxanreeb Online) Magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deegaanka Soomaalida, waxaa gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle, waxaan soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Labada hoggaamiye, ayaa waxaa si heer sare ah loogu dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee Jigjiga, iyada looga galbiyay madaxtooyada maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.
Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa ka qeyb ka ah mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa goobo dalxiix oo laga dhisay deegaanka Shabeelle ee deegaanka Soomaalida.
Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka, ayaa sheegay in mashaariicda la furayo ay qeyb ka yihiin qorshayaal ballaaran oo lagu horumarinayo ganacsiga iyo isku xirka gaadiidka iyo is-dhexgalka bulshada gobolka ee geeska Afrika.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qoraal soo dhigay barta X, ayaa yiri “ Soo dhowaada walaalaheyga Afrikaanka ahaayow”.
Abiy Axmed ayaa inta badan ku marti-qaadka Soomaaliya mashaariicda kala duwan ee laga heli geliyo Itoobiya, isaga oo horay ugu marti-qaaday biyo xireenka weyn ee GERD, kaasi oo xarigga laga jaray sannadkii hore.
Sikastaba, ahaate booqashada ay madaxda Jabuuti iyo Soomaaliya ay ku tageen Itoobiya ayaa imaaneysa, xili dalalkan ay xoojinayaan xiriirka ay la lee yihiin Masar oo Itoobiyo ay kala dhaxeeyso xurguf la xiriirta biyo wabiga Nile.

Leave a Reply