Tanzania (Raxanreeb online) – Dalka Tanzaaniya , ayaa looga dhawaaqay in uu ka dilaacay Fayruska Marburg, kaas oo soo ritay qaar kamid ah dadka kunool dalkaasi, waxa ayna dowladda durba bilowday dedaalo looga hortagayo in feyruskaasi sii faafo.
Sidoo kale, madaxweynaha dalka Tanzaniya Saamiya Suluhu Xasan, ayaa ku dhawaaqday in uu ka dilaacay dalkeeda Fayruska Marburg oo ah fayrus la mid ah Ebola, waxa ayna xustay in loo xaqiijiyay in dad uu haleelay feyruskaasi lagu arkay gobolka waqooyi-galbeed ee Kager dalka Tanzania.
Dhanka kale, waxa ay sheegtay in ay socdaan dedaalo looga hortagayo in cudurkaasi dalka ka dilaacay sii faafo, waxa ayna intaa ku dartay in ay kalsooni badan ku qabto in ay ka gudbi doonaan Fayruska cusub ee Marburg ee dalkooda lagu arkay kiisas kamid ah.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa isbuuc kahor sheegay in ay jiraan kiisas looga shaki qabo feyruska Marburg lagu arkay dalka Tanzaaniya, waxaana dalkaasi laga diiwaangeliyay sagaal xaaladood oo cudurkaasi ah, iyada oo ay dhinteen 8-qof shan maalmood gudahood.
Sikastaba,wWasiirka Caafimaadka Dalka Tanzaaniya Jenista Mhagama, ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay in feyraska Marburg laga helay dalkooda, waxa ayna xustay in dadka laga shakiyya ee dhintay markii la baaray laga waayay feyruskaasi.
Leave a Reply