Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heegaanka Afrikada Bari (EASF), kaas markii ugu horreysay lagu qabanayo magaalada Muqdisho, isla markaana ay sanadkan guddoon u tahay Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, ayaa madasha ka jeediyay khudbad soo dhaweyn ah oo uu ku bogaadiyay wakiillada ka socday dalalka xubnaha ka ah ururka, isagoo yiri:
“Waxaan si diirran idiinku soo dhaweynayaa magaalada Muqdisho, annagoo markii ugu horreysay martigelinayna Kalfadhiga 34-aad ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari. Martigelinta shirkan waxa ay muujinaysaa kalsoonida ay dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya, waxayna caddeyneysaa horumarka laga sameeyay dhanka amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca”, ayuu yiri wasiir dowladaha Gaashaandhigga.
Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada dadaallada iyo himilooyinka istiraatiijiyadeed ee Bariga Afrika, isagoo xusay:
“Shirkan wuxuu xoojinayaa ka go’naanshaha dalalka Afrikada Bari ee nabadda, amniga, iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed. Waxaan xoogga saareynaa in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isu-duwidda naga dhaxeysa, si gaar ah marka ay timaado hawlaha difaaca iyo amniga guud.”
Wasiiru Dowluhu wuxuu sidoo kale tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee ay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF) ku leeyihiin sugidda nabadda gobolka, isagoo sheegay inay yihiin tiir muhiim ah marka laga hadlayo:
Ilaalinta nabadda, ka hortagga khilaafaadka, jawaab-celinta degdegga ah ee xaaladaha amni iyo kuwa bini’aadantinimo.

Leave a Reply