Garoowe (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay amar shalay lagu celiyay diyaaradii waday dad shacab ah iyo qaar kamid ah xildhibaanada Puntland ku matala Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo diyaaradii siday xili ay ka dagi rabtay magaalada Garoowe dib loogu soo celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Siciid Deni, ayaa sheegay in arrintan ay tahay markii labaad ee dowladda federaalka ay sameyneyso, isga oo xusay in 1-dii bishii Febraayo ee sanadkan Muqdisho laga celiyay diyaarad siday mas’uuliyiin iyo ilaalo katirsan madaxtooyada Puntland taasina ay tahay mid qalad ah.
Isaga oo sii hadlayay Siciid Deni ayaa ku tilmaamay in arimahaas ay yihiin kuwa dhaawacaya dowladnimada Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegay in ay tahay xadgudub dastuurii oo lagu waxyeeleynayo muwaadinka Soomaaliyeed.
Sikastaba, ilaa iyo hadda ma jirto war kasoo baxay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo looga hadlayo sababta ka dambeysay ee loo soo celiyay diyaaradii ay la socdeen qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ku matala dowladda federaalka iyo dad shacab ah oo diyaarada la socday.

Leave a Reply