Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay hadallo soo baxay oo sheegaya “inuu geeriyooday”.
Hadal ka soo baxay xafiiskiisa goor dambe oo xalay ah ayuu trump ku sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay.
“Ma aragtay warka ku saabsan inaad dhimatay” ayuu yiri wariye su’aal weydiiyey madaxweyne Trump.
“Waxaan bixiyey dhowr shir jaraa’id todobaadkii hore. Si guul leh ayaan u dhameeyey. Laba maalmood waxba ma aanan samayn, markaas ayey yiraahdeen wax baa ka si ah. Biden bilo waxba ma samayn. Ma jiro qof yiri wax baa ka si ah” ayuu yiri Donald Trump.
Wuxuu intaa ku daray inuu shirar jaraa’id iyo hawlo kale qabtay, caafimaadkiisana uu fiican yahay. Hadalkan ayaa yimid markii horraantii todobaadkan baraha bulshada aad loogu faafiyey inuu geeriyooday.

Leave a Reply