Somaliland oo qatar ku tilmaamtay xayiraadda  hubka looga qaaday Soomaaliya

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in go’aankii Qarammada midoobay ay cunoqabataynta hubka kaga qaaday Soomaaliya ay cawaaqib xun ka dhallan doonto, kaddib markii maalin ka hor ay ciidamada Puntland ay qabteen Markab hub siday.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Daahir Cabdiraxmaan ayaa qoraalkan ku daabacay barta X (Twitter) ku sheegay in tallaabada looga qaaday cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay horseedi karto qatar weyn.

“Go’aanka Qarammada Midoobay ay kaga qaaday cunaqabatayntii hubka dalka fashilmay ee Soomaaliya, ayaa sababtay cawaaqib xumo iyo xasilooni-darro ballaadhan, Halkii cunoqabatayntaas la qaaday laga filayey in uu gacan ka geysto nabadda iyo deganaanshaha, wuxuu dhiirrigeliyay kooxaha xagjirka ah, wuxuu sii hurinaya amniga guud ee gobolka,” ayuu yiri wasiir Daahir.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah dib ugu qiimayso oo ay dib u eegis ku samayso cunoqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, maadaama sida uu tilmaamay wasiirka ay keeni karto khatar waxna u dhimi karto xasilloonida Geeska Afrika.

Sikastaba, hadalkan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland. ayaa ku soo aadaya kaddib markii ciidanka maamulka Puntland, ay Jimcihii gacanta ku dhigeen Markab hub siday kaasi oo ciidanku ay geeyeen dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Geesta kale wararka qaar ayaa sheegaya in hubka uu siday Markabka uu ahaa deeq ay dowladda Turkiga u soo dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana uu ku sii jeeday magaalada Muqdisho, balse cilad ku timid matoorka Markabka ay hakis ku keentay socdaalka Markabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.