Toogasho ka dhacday dalka Ecuador

Ecuador ( Raxanreeb Online) Booliiska Ecuador ayaa sheegay in sideed qof lagu dilay rasaas ay fureen rag hubeysan oo weeraray dad isugu soo baxay bannaanka goob lagu caweeyo oo ku taalla gobolka Guayas. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarka ka dhacay magaalada Santa Lucia. Qofka ka mid ah dadka la dilay wuxuu ahaa milkiilaha goobta weerarku ka dhacay.

Guayas waa mid ka mid ah afarta gobol ee xeebaha leh ee uu Madaxweyne Daniel Noboa geliyay xaalad degdeg ah, si loola tacaalo rabshadaha ay kooxaha burcaddu ka wadaan halkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ecuador ay dagaal kula jirto kooxo dambiilayaal ah oo isku heysta gacan ku haynta marinnada tahriibinta daroogada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.