Wasaaradda Maaliyadda oo warsaxaa-fadeed ay soo saartay ku shaacisay in ay dhaqangalisay heshiiska ganacstada iyo dowladda.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta oo isniin ah dhaqangelisay Hannaanka Khidmad-dhimista ee lagu go’aamiyay Qaraarkii Golaha Wasiirrada kuna saabsanaa in la dhimo 50% lacagta looga qaado Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo kulan deg deg ah yeeshay dhawaan ayaa go’aamiyay in meesha laga saaro shirkado lacago ka qaadi jiray ganacsatada alaabaha kala soo dega dekadda, waxaa sidoo kale meesha laga saaray lacago siyaabo kala duwan looga qaadi jiray ganacsatada.

Arrinta dhimista lacagta Iskaanka dekadda Muqdisho laga qaado ganacsatada ay usoo degto badeecaha kala duwan ayaa imaaneysa xili maalmihii lasoo dhaafay ganacsatada ay dhigayeen dibadbaxyo balaaran oo ay ugu soo horjeedeen lacago cusub oo canshuur ah oo dhowaan Wasaaradda Maaliyadda ay soo saartay taas oo sababtay in uu kala shaki xooggan usoo kala dhexgalo ganacsatada iyo dowladda.

kulan ay yeesheen ganacsatada iyo Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa laiskula qaatay in ganacsatada canshuuraha tirada badan ee laga qaado qaarkood wax laga dhimo si ay ugu qancaan canshuurtan cusub ee looyaqaano (VAT) oo ka go’eysa Merchantiga ganacstadaha.

Ugudambey, Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta dhaqan gelisay heshiiskii lacag dhimista ahaa ee ay ku heshiiyeen ganacstada iyo dowladda, kaas oo ugu dambeyn ay Wasaaradda Maaliyada warsaxaa-fadeed ay soo saartay ay ku shaacisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.