Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo si layaab leh uga hadlay qadiyadda Falastiin

Doxa (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, oo u safray Doha kaddib wadahadallo dadban oo uu Mareykanka kula yeeshay Muscat, ayaa ka hadlay “Xafladda Furitaanka Madasha Algiers 2026.”

Ujeeddada ugu weyn ee khudbadda Mr. Araqchi waxay ahayd arrinta Falastiin iyo “amniga gobolka.”

Abbas Araqchi wuxuu ku tilmaamay arrinta Falastiin “imtixaan lagu cabbirayo in sharciga caalamiga ahi weli macno leeyahay iyo in xuquuqda aadanuhu dhab ahaan yihiin kuwo caalami ah.”

Wasiirka ayaa xusay in Israa’iil dambiyo dagaalka ka gaysatay Qaza taasi oo uu xusay in ay dhaawaceyso damiirka aadanaha.

Abbas Araqchi wuxuu tixraacayay kuwa aaminsan in “nolosha ilmuhu aanay ahayn wax lagu gorgortamo, gaajadu aanay ahayn hub, isbitaalkuna aanu ahayn goob dagaal, dilka qoysaskana aan loo tixgelin difaac sharci ah.

Sidoo kalw wasiir Iran, Abbas Araqchi, ma uusan xusin kumannaan mudaharaadayaal ah oo lagu dilay gudaha Iran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.