Sabiib (Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Xoosh iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si dib-u-dejin loogu sameeyo qoysaskii ay kooxda Al-Shabaab ka dumisay guryahoodii, kana barakicisay deegaannadan.
Ujeeddada socdaalka mas’uuliyiinta ayaa lagu sheegay in ay ahayd fulinta ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab, isla markaana la dardargeliyo howlaha dib-u-soo-kabashada bulshada.
Dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii deegaannadan. Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee ku nool deegaannadaas, si loo xoojiyo nolol-maalmeedka bulshada loona dardargeliyo dib-u-dhiska deegaannada xorta ah.
Geesta kale booqashada wasiir Fiqi, ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lagu dardar gelinayo in ciidamada xoogga ay diirada saraan sidii ay xoojin lahayeen deegaanada ay gobolka kaga sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply