Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya “Xiriirka Soomaaliya Iyo Turkiga Waxa Uu Gaaray Meel Sare”.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu si weyn u sii xoogeystay, kaddib markii uu sare u kacay iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya iyo Turkiga ay diiradda saareen dhinacyada muhiimka ah sida waxbarashada, iskaashiga ciidamada, ganacsiga, tignoolajiyada, iyo qeybaha kale si loo xaqiijiyo inay la jaanqaadaan horumarka caalamiga ah ee dhinacyadan.
Wasiirka ayaa ku ammaanay dowladda iyo shacabka Turkiga doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarinta fursadaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladdaha Muqdisho iyo Ankara ay sii wadi doonaan sidii ay u adkeyn lahaayeen wadashaqeyntooda, taasoo salka ku haysa.

“Xiriirka labada dal wuxuu soo maray heerar kala duwan, wuxuuna hadda gaaray heer istaraatiiji ah. Iskaashigan waxaa ka mid ah isdhaafsiga kheyraadka dhaqaalaha, amniga, iyo cilmiga teknoolojiyadda kala duwan. Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda Turkiga sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay munaasabad ka dhacday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo arday Soomaaliyeed oo waxbarashadooda kusoo qaatay dalka Turkiga, laguna xusayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.