Weerar loo adeegsaday Bambooyin oo xalay lagu qaaday guryo ay daganyihiin saraakiil katiran Maamulka Koonfur Galbeed.

Beydhabo (Raxanreeb onlien) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar loo adeegsaday Bambooyin oo xalay lagu qaaday guryo ay dagnaayeen Saraakiil katirsan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, weerarka ayaa lagu qaaday labo guri oo ay dagnaayeen saraakiil ciidan oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed, waloow ay ka maqnaayeen guryaha xiliga uu weerarka dhacaayay waxaana weerarka kaddib goobta isaga baxsaday raggii weerarka fuliyay.

Dhanka kale, xiliga uu weerarka dhacaayay waxa guryahaasi ku sugnaa ehelada iyo ilaalada saraakiishaasi bartilmaameedka aheyd.

Khasaaro dhaawacyo ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen weerarka Bambooyinka ah ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, ciidamada ammaanka ayaana sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxdii ka dambeesay weerarkaasi.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay la eegteen guryaha saraakiil sar-sare.

Sanadkii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa go’doomin todobaad qaadatay ku soo rogtay magaalada Beydhabo, iyagoo ka jaray saadka u soo geli jiray magaalada Baydhabo, ka hor inta aan ugu dambeyntii laga qaadin go’doominta.

Sikastaba, magaalada Beydhabo oo kamid ah magaalooyinka muddooyinkan ugu ammaanka roon dalka, ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro ay geestaan kooxda Al Shaaab , waxaana weeraradaasi mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.