Muqdisho (Raxanreebo online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ahna kusimaha Wasiirka, Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Dakhligai ayaa shir muhiim ah xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen maamulayaasha iyo agaasimeyaasha Isbitaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuur gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa.
Dhanka kale, mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ahaa ayaa dhankooda balanqaaday in ay howshan si cilmiyeysan ufiirin doonaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad.
Canshuurta gadista ee lagu soo rogay ganacsatada ayaa waxaa qeyb ka ah isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho, iyada oo xusid mudan tahay in dowladda aysan dadkeeda siin adeeg caafimaad, haddana dadka danta yar ee isbitaalada adeegga u doonta kusoo rogtay canshuiur dheeraad ah in ay bixiyaan.
Leave a Reply