Wiilal dhallinyaro ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay duleedka degmada Baladweyne

Baladweyne ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay labo wiil oo dhallinyaro ah ku dilay duleedka degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Dilka labada wiil ayaa la sheegay in ay geysteen kooxo burcad ah oo hubeysan, kuwaasi oo rasaas toos ah ku furay labada ruux, waxaana la xaqiijiyay in mid kamid ah uu goobta ku geeriyooday, halka mid kalana uu dhaawac culus soo gaaray.

Falkan naxdinta leh ayaa si gaar ah uga dhacay nawaaxiga tuulada Helekilyo, oo dhanka bariga kaga beegan magaalada Baladweyne, una jirta 4 KM.

Dhallinyarada dilka iyo dhaawaca loo geystay, ayaa la sheegay in ay gaari dameer ku wadeen Balka Xoolaha lasiiyo kuna sii jeedeen Suuqa magaalada Baladweyne, sida ilo wareedyo ay inoo sheegeen.

Dableyda dilka geystay ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen, mana jirto ilaa iyo hadda war kasoo baxay laamaha amniga ee gobolka Hiiraan.

Sikasataba, dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyada oo muddooyinkii dambe magaalada Baladweyne falal amni darro ay burcad hubeysan ka geysanayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.