Muqdisho (Raxanreeb Online) Waxaa soo baxaya warar tilmaamaya in amar cusub laga soo saaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kaas oo lagu xaddidayo safarka xildhibaannada iyo wasiirrada isku haya labada jago in ay safri karaan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in saaka markale la hor istaagay qaar ka mid ah xildhibaanno qorsheynayay safar, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa tallaabadan.
Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in amarkan uu ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kuwaas oo la sheegay inay ka cabsi qabaan in kooram la’aan ku timaado kulanka guud ee Arbacada ee labada Aqal ay lee yihiin.
Kulankaas ayaa la qorsheynayaa in cod loogu qaado wax ka beddelka lagu sameeyay cutubyo kamid ah Dastuurka, kaas oo muran ballaaran hareeyay muddooyinkii dambe.
Sikastaba, arrintan ayaa ku soo aadeysa maalin un kaddib markii diyaarad ka duushay Muqdisho oo siday dad shacan iyo xubno xildhibaanno ah, kuna sii jeeday Magaalada Garoowe, dib loo soo celiyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, taasi oo markii dambe abuurtay xiisad siyaasadeed. Walow Villa Somalia aysan weli ka hadlin dhacdadaani.

Leave a Reply