Xildhibaannada Khaatumo kasoo jeedo oo iska diiday shirka wadatashiga Puntland ugu yeertay.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa diiday in uu ka qeyb galo wadatashiga ay maamulka Puntland ku baaqday dhowaan in ay kasoo qeyb galaan xildhibaannada baarlamaanka fedeeraalka ku matala Puntland, iyo Khaatumo.

Sidoo kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa si cad usheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirkaas wadatashiga Puntland ay ku baaqday, iyadoona sheegtay in ay ka go’een Puntland iyo Soomaaliland.

Dhanka kale, maalmo ka hor ayey markii ay maamulka Puntland ku baaqday shirkaasi wadatashiga ah ayna kasoo qeyb galaan mas’uuliyiinta maamulkaas heer dowlad goboleed iyo heer federaal.

Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay in looga hadlo xiisada siyaasadeed ee udhexeysa maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka.

Mid kamid ah xildhibaannada diiday in ay kaqeyb galaan shirkaasi oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in ay ixtiraamayaan maamulka Khaatumo.

“Salaan qiime badan kadib waxaan halkan ugu cadaynayaa Shacabka SSC KHAATUMO in anigoo tixgelinaya go’aanka Shacabka SSC KHAATUMO ku gaadheen 06/02/2023 in ay noqdaan maamul madaxbanaan oo si toos ah u hoos taga dowwladda federaalka Soomaaliya. Kaas oo aan isla maalintaasba aqbalay aanan ka hor imanayn. Sababtaas darteedna aanan uga qayb gelayn shirka maamulka Puntland ku dalbaday in Garoowe lagu qabto. Sidoo kale waxaan qoraalkan ku cadaynayaa in aan shacabka SSC KHAATUMO ku metelo Baarlamaanka Soomaaliya, danahoodana ka shaqayn doono” ayuu xildhibaanku.

Sikastaba, shirkan ayaa kusoo beegmaya xili xasaasi ah ayaa waxaa lafilayaa in looga hadli doono xaalada guud ee dalka iyo khilaafka sii daba dheeraaday ee dowladda dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.