Sawirro: Axmed Madoobe oo ka degay degmada Afmadow

Sawirro: Axmed Madoobe oo ka degay degmada Afmadow

Afmadow (Raxanreeb) — Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay degmada Afmadow, gobokka Jubbada Hoose ee Soomaaliya, halkaasoo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Axmed Madoobe, ayaa degmada Afmadow u tagay arrimo binia’aadannimo halkaas oo fatahaadda roobabka xooggan ay ku dhufteen ayna ka jirto xaalad adag oo binia’aadannimo.

Madaxweyne Axmed, iyo wafdigiisa ayaa u kuur geli doona xaaladda fatahaadda adag ee ka dhacdau deegaankaasi iyo sidii koogu gurman lahaa dadka ay wax yeeleysay fatahaadda, deegaannada maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe, ayaa booqan doono goobaha ay dadka barakacayaasha degeen, isagoona xaaladdooda u kuur geli doona si loogu helo gurmad.

Amniga deegaannadaasi ayaa aad loo adkeeyay iyadoo madaxweynaha ay wehlinayaan saraakiil ka wada tirsan DF Jubbaland, iyo ciidamada Kenya ee halkaasi nabad ilaalinta ku jooga.

Deegaannada Jubbaland, ayaa ka taagan xaalad adag oo binia’aadannimo taasoo sababtay fatahaada roobabka ka da’ay maalmo badan.

Madaxweyne Axmed Madoobe, iyo maamulkiisa ayaa dedaallo xooggan ku bixinaya samata bixinta dadka ku barakacay fatahaadaha xooggan ee ka jira Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, halka gargaar binia’aadannimo la gaarsiiyay deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo.

Ra’isulwasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhowaan safar u kuurgelid xaaladada binia’aadannimo ku tagay magaakada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya.