Faallo: Guusha Ruto iyo waxay uga dhigan tahay Soomaalida

Faallo: Guusha Ruto iyo waxay uga dhigan tahay Soomaalida

MUQDISHO (Raxanreeb) William Samoei Ruto ayaa loo doortay madaxweynaha shanaad ee Kenya kaddib doorashadii dalkaasi ka dhacday maalintii Talaadada ee 9ka Agoosto 2022, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Wafula Chebukati.

Madaxweynaha la doortay ayaa helay ugu yaraan 25% codadka 39 degmo oo ka tirsan dalka. Guusha doorashadiisa waxaa qeyb weyn ka qaatay gobollada Mt Kenya iyo Rift Valley oo muhiim u ahaa guushii 2013 iyo 2017 ay ka gaareen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo isaga oo xilligaas isku isbahaysi ahaa.

Illaa 10 deegaan doorasho oo ka mid ah gobolka Kikuyada ee Mt Kenya iyo todobada ka mid ah Waqooyi Rift oo ay ku xooggan yihiin Kalenjin-ta iyo Maasaa ayaa si wada jir ah ugu hibeeyay Ruto codad gaaraya illaa 4.5 milyan taasoo ka dhigtay mid si fudud ku gaarsiisa kursiga ugu sarreeya dalka.

LOOLLANKA DOORASHADA

Ruto oo hoggaaminayey isbahaysiga United Democratic Alliance (UDA) ayaa helay 7,176, 141 (oo u dhiganta 50.49%) isaga oo meesha ka saaray musharaxii uu la tartamayey ee isbahaysiga Azimio la Umoja One Kenya, Raila Odinga oo helay 48.85 boqolkiiba codadka.

Ruto, oo asalkiisa siyaasadda ka soo galay qoys dan yar ah, waxa uu ku guulaystey in uu tartanka u dhigo mid u dhexeeya dadka danyarta ee nolosha adag ku jira iyo koox boqortooyo ku saleysan oo uu ula jeedo madaxweyne Kenyatta iyo Odinga —oo labaduba ah rag kasoo jeeda qoysas ladan oo xukunka soo hayey— iyada oo loo marayo olole ka gudbay xeyndaabka qabyaaladda oo ay siyaasadda Kenya muddo dheer ku saleysneyd.

Ol’olaha Ruto ayaa xoog u soo baxay sannadkii u danbeeyay kaddib markii ay isku dheceen madaxweyne Kenyatta oo muddo dheer ay saaxiibo soo wada qariibay ku ahaayeen saaxada siyaasadda.

Haddaba, maxay guusha William Ruto uga dhigan tahay dadka Soomaalida guud ahaan?

Soomaalida waxay ka mid tahay qowmiyadaha rajada weyn ka qaba inay ka faa’iidaan madaxtinnimada Ruto. Marka dhan laga eego, Ruto waxaa uu ka yimid reer xoolo dhaqato ah oo ay Soomaalida bahwadaag yihiin. Tiiyo ay dheer tahay in Ruto uu aas-aaska xisbigiisa URP ku xoojiyay siyaasiyiin u badan dhallinyaro oo Soomaali ah. Isku biiristii xisbiga URP ee Ruto iyo xisbigii uu hoggaaminayey ee TNA ee 2013 sameeyay isbahaysiga Jubilee, waxay fursad weyn siisay Soomaalidii ku jirtay URP ee Ruto la ahayd bahwadaagta.

Markii madaxweyne Kenyatta iyo Odinga ay heshiiyeen 2018 kaddib khilaafkii doorashadii 2016, waxay xukuumadda Kenyatta u jiheysatay sameynta hindisaha wax-ka-beddelka dastuurka ee loo bixiyay Building Bridges Initiatives (BBI). Qorshaha BBI waxay dad badan oo Soomaalida ku jirto uu ku abuuray shaki iyo walwal badan. Ruto, oo madaxweyne ku xigeen ahaanna, wuxuu ka mid noqday dadka diiddanaa meelmarinta hindisaha BBI. Taasi waxay keentay in qowmiyadaha tirada yar ee Kenya ay taageeraan dadka diiddan hindisaha BBI oo asalkiisuba yahay in qeybsiga deeqaha horumarinta degmooyinka ee dalka lagu saleeyo tirada dadka halkii lagu saleyn lahaa baaxadda dhulka, taasoo Soomaalidy ay si weyn ugu qadi lahayd.

LABO JINSIYADOOD IYO ARRINTA SOMALILAND

Dadka ku dhow Ruto waxay sheegayaan in siyaasadiisa ay ogoshahay qaadashada labo jinsiyadood oo aan loo oggoleyn dadka Kenyanka, walaac weyna ku heysa Soomaalida oo labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya u dhexeysa. Ka sokow taasi waxay dad badan qabaan in Ruto uusan waxba ka beddeli doonin badi siyaasadihii ay ku socotay dowladii Jubilee ee Uhuru Kenyatta marka laga eego dhanka xiriirka caalamiga ah. Taasi waxay faa’iido u tahay siyaasadda ku wajahan xiriirka Soomaaliya, halka Raila Odinga uu qabay (sida uu marar kala duwanna sheegay) in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax-bannaan Soomaaliya.

Dhanka kale, dad badan oo Kenyan ah ayaa ku dhaliilsan Ruto inuu qeyb ka ahaa siyaasadda lagu takoorayey dadka qoxootiga ee ku nool Kenya, gaar ahaan Soomaalida. Inkastoo uu dhowaan sheegay inuu diidannaa, waxaa Ruto lagu eedeynayaa inuu wax badan ka ogaa dejinta qorshihii lagu beegsanayey Soomaalida ku nool Nairobi sannadkii 2014.

Leave a Reply

Your email address will not be published.