Halkuu marayaa Ololaha Xasan Sheekh ee wax ka bedelka Dastuurka ?

Halkuu marayaa Ololaha Xasan Sheekh ee wax ka bedelka Dastuurka ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxa si xowli ah uga socda Ololaha Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo inuu wax kaga bedelo Dastuurka.

Xildhibaano badan oo Golaha shacabka ah ayaa arintan si adag uga soo horjeestay waxaana Villa Soomaaliya ka soconaya Ololaha la xiriira in Golaha shacabka uu meel mariyo qorshe cod qarsoodi ah oo wax loogu bedelayo Dastuurka KMG .

Waxaa aad looga digayaa inuu miro dhala qorshan ka soconaya magaalada Muqdisho ee Dowladda hormuudka ay ka tahay taas oo ka dhalatay caro badan oo ku saabsan qorshaha wax ka bedelka Dastuurka.

Buuq badan ayaa ka jira xarumaha Dowladda taas oo la xiriirta damaca dastuurka ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamud taas oo la leeyahay waxay keeni kartaa khatar badan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu raadinayo isbahaysi ku gacansiiya sidii Dastuurka loogu qaadi lahaa codka kalsoonida Golaha Shacabka, waxaan la leeyahay qofka kowaad labaad waa Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa ka mid ahaa madaxda hadda garbaha u ah Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo dhawaan shaaciyay sida uu ula dhacsan yahay qorshaha Dastuurka wax loogu bedelayo.

Madaxtooyada ayaa doonaysa in xooga ay saarto sidii ay u heli lahayn kalsoonida Golaha shacabka laakiin in taas ay dhacdo waxaa ku hareeraysan buuq badan oo siyaasadeed oo uu Xasan Sheekh kala kulmay madax hore iyo siyaasiin badan

Leave a Reply

Your email address will not be published.