Muuse Biixi ma wuxuu ka cararayaa eedo la xiriira tacdiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha?

Muuse-Biixi-Cabdi

HARGEYSA (Raxanreeb) Markii  ay soo baxeen eedeymo ku saabsan tacdi ka dhan ah xuquuqda Aadanaha oo ka dhacay magaalada Hargaysa intii ay socdeen  dibadbaxyada loogasoo horjeedo dib u dhaca doorashada ayaa waxaa Madaxwaynaha Somaliland uu magacay guddi baaris ku sameeya dhibaatadii loo gaystay dadkii isugu soo baxay waddooyinka magaalada Hargaysa.

Booliska ayaa lagu eedeeyay inay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha iyadoo illaa 6 ruux ay ku dhinteen magaalooyinka Hargeysa, Ceerigaabo iyo Burco.

Guddigan oo ka kooban xubnaha dowladda ee aadka ugu dhaw Muuse Biixi ayaa dubadiiba la duray hufnaantooda  maadama aysan madax banaanayn.

Guddigan  ayaa ka kooban  5 xubnood oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland , si ay u soo ogaadaan cida leh eedaha ku saabsan  xadgudubyada loo gaystay dad muujinayay sida ay u doonayaan in xukunka si  nabad ah la isugu wareejiyo.

Xubnahan la magacabay ayaa Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan la socodka banaanbaxyada ay abaabulayaan madaxda xisbiyada mucaaradka ee ka soo horjeeda Muusse Mr Biixi.

Hoggaamiyasha mucaaradka ayaa sidan oo kale dhawaan Guddi baaris  u magacaabay tacdiyadii ka dhacay 11-kii August 16, 2022 magaalada Hargaysa halkaas oo ay ka socdeen  isu soo bax  loogu soo horjeeda Xukuumadda Somaliland .

Leave a Reply

Your email address will not be published.