Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Qarax khasaare sababay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Raxan Reeb) — Qarax subaxnnimadii saakay ka dhacay shabeellaha hoose, qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso taasoo sababtay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawac.

qaraxa, ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid, ee ka tirsan Shabeellaha hoose, kaasoo lala eegtay Mootada loo yaqaanno Fekon, taasoo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya, qaraxaas ayaa ku geeriyooday hal ruux oo shacab ah, halka uu dhaawac kasoo gaaray askri saarnaa mootada sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo deegaanka ah.

goobta, miinada ka qaraxday ayaa gaaray durbadiiba ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo billaabay howlgallo iyo baaritaanno, lagu goobayo dableeydii geysatay qaraxaas.

xaaladda deegaankaasi ee Sabiid, ayaa haatan deggan waxaana si toos ah, u billowday isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka isticmaala waddadaas, ayadoo muddo kooban uu hakad ku yimid.

Ururka Al-Shabaab, ayaa inta badan weeraro dhabagal ku qaada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ka mid ah, inta badan meelaha ay ka dhacaan weerarada iyo dilal qorsheeysan Qaraxyo geeysta khasaare kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.