Jowhar (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tagay magaalada Jowhar halkaas oo qorshuhu ahaa inuu kula kulmo qaybaha bulshada iyo saraakiisha ciidan. Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dib ugu soo laabtay Garoonka magaalada Jowhar halkaas oo uu kula kulmay keliya Madaxwayanaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe. Sida xogaha ay sheegayaan Xasan Sheekh Maxamuud...
Day: July 18, 2023
Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar & ujeedka safarkiisa
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirSHballe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Biden oo hore dhawr-jeer u diiday marti-qaadka Netanyahu ayaa haatan aqbalay
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Isniintii marti-qad rasmi ah u diray ra'iisal wasaaraha dalka Israaiil Benjamin Netanyahu, si uu booqasho ugu yimaaddo dalka Maraykanka, iyada oo dib laga go'aamin doono xilliga booqashada, sida laga soo xigtay xafiiska ra'iisal wasaaraha Israa'iil.
Dagaal adag oo dib uga qarxay magaalada Laascaanood
Faah faahino dheeraad ah, oo laga helayo gobolka Sool duleedka magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus dib uga qarxay kaas oo u dhexeeyo ciidamada millatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC.
Go’adoonka Baydhabo oo laga shiray & tabar la’aan haysa Laftagareen
Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka socda kulamo looga hadlayo sidii go’doonka ay gashay Magaaladaas looga qaadi lahaa sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo ku dhow kulankaan.
Amar ay soo saareen kooxda Al- Shabaab oo Muqdisho ka dhaqan galay
Muqdisho (Raxanreeb ) Ka dib go’dib go’doomintii kooxda Al- Shabaab ee magaalada Baydhabo waxaa muuqanaysa in gabi ahaanba uu istaagay gadiidkii dadwaynaha ee gali jiray magaalada Baydhabo. Gadiidkii ka raraan jiray magaalada Baydhabo ee aadi jiray magaalada Baydhabo ayaa gabi ahaanba istaagay sabab la xiriirta amarka kooxda Al- Shabaab ee la xiriira go’adoominta Baydhabo. Warar...
Guuxa mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha shacabka
Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa si aad ah loo hadal hayaa guusha ku saabsan mooshin la doonayo in lagu rido Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamuud Nuur Madoobe. Qorshahan oo si hoose u socday sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa si aad u soo baxay , 24-kii saac ee la soo dhaafay ,...
Dhaqdhaaq iska soo horjeeda Dowladda & Al- SHABAAB
Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah ay geysay degaano ka tirsan degmooyinka Cadalle iyo Ceeldheer ee ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminaya howlgaladan ayaa sheegay in ujeedka duulaankan uu yahay sidii dowladda ay ugu adkaan...





