Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar & ujeedka safarkiisa

Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar & ujeedka safarkiisa

Jowhar (Raxanreeb) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShaballe, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere uga hortegay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudllaawe iyo labada gole ee maamulkaasi.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhxexe.

Sidoo kale wuxuu mas’uuiyiinta HirShabelle kala hadli doonaa xallinta khilaafka ka jira maamulkaasi, gaar ahaan arrimo ku aadan xiisadda kala dhalatay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqdo furimaha hore ee dagaalka, si uu u dhiiro-geliyo ciiidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ay kadib usii gudbi doonaan dhanka Galmudug, isaga oo tegi doono furinta dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo sugayo amniga ay dowladda Soomaaliya geysay halkaasi, sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Aadan Cali oo isna shalay gaaray magaalada Galcad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u booqday jiida hore ee dagaalka, isaga oo tegay furimaha hore ee HirShabelle iyo Galmudug oo uu mar kale hadda soo booqanayo.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay wax ka galayaan dalalka dariska ah.