Day: August 1, 2024

Home » Archives for August 1, 2024
Soomaali lacag badan looga dhacay Aplication la isticmaalo
Post

Soomaali lacag badan looga dhacay Aplication la isticmaalo

KUEX ma hawada ayuu ka baxay? Applicationka dhalinyaradu aadka u isticmaasho ee KUEX ayaa wajahaaya xaalad hubanti la’aan ah, kadib markii la sheegay in xayiraad la saaray qaar ka mida isticmaalayaasha adeegssda barnaamijkan. Taasoo lagu sababeeyey in rabeen in ay soo gaabiyaan wakhtiga lacag la bixida iyagoo isticmaalaaya farsamooyin ay u arkeen in ay xal...

Khilaafka Wasiir Roobow & Culimada Ahlusunna oo xoogeystay
Post

Khilaafka Wasiir Roobow & Culimada Ahlusunna oo xoogeystay

Waxaa sii xoogeysanaya Khilaafka u dhexeeya Wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo culimada Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana arrinta uga sii daray shirka culimada ee haatan ka socda Muqdisho, kaas oo aysan qayb ka ahay Ahlu Sunna. Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay...

Heshiis ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay
Post

Heshiis ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la-dagaallanka Musuq-maasuqa ee u dhexeeya hey’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dilka hoggaamiyihii Kooxda Xamaas
Post

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dilka hoggaamiyihii Kooxda Xamaas

Dowladda Soomaaliya cambaareysay dilka Israa’iil u geysatay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, dilkaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan. Dowladda Soomaaliya waxay falkaas ku tilmaamtay inuu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada. “Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka...

Gacankudhiigle Maxamed Abshir oo la qabtay iyo xog laga helay
Post

Gacankudhiigle Maxamed Abshir oo la qabtay iyo xog laga helay

Ciidamada booliiska  Puntland ayaa saakay oo Khamiis ah ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan gacankudhiigle Maxamed Abshir Muuse (Bootaan), oo 29-kii bishii July magaalada Boosaaso ku dilay guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee jaamacadda Bariga Afrika . Ninkan gacankudhiiglaha ah ayaa magaalada Boosaaso ka baxsaday kaddib markii uu dilay marxuum Khaalid Cali Khaalid Awmuuse,...

Maamulka Koonfur Galbeed oo Ciidamo cusub diyaarsanaya, xili ay soo dhawdahay doorashada
Post

Maamulka Koonfur Galbeed oo Ciidamo cusub diyaarsanaya, xili ay soo dhawdahay doorashada

Dagmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose waxaa  Tababar  looga  furay Ciidanka Booliska  gaarka ah ee kGS qeybtooda Dagmadaasi. Tabarkan ayaa waxaa furay  wasiirka Amniga gudaha  KGS  Xasan Cabdulqaadir  waxaana Goobjoog ka ahaa maamulka Dagmada & taliyaha ciidanka gaarka ah. Tababarkan oo kor loogu qaadaayo aqoonta ciidanka Booliska Gaar ka ah ee KGS ayaa waxa uu...