Kampala (Raxanreeb online) – Soomaaliya iyo Uganda ayaa si rasmi ah u saxiixay iskaashigooda ciidan, iyagoo kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan xaaladda ciidamada (SOFA), taasoo adkeyneysa qaab-dhismeedka sharciga ah ee ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya. Heshiiskan oo ku saleysan is-afgarad (MOU) oo u dhexeeya labada dal, ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka...
Day: October 20, 2024
Itoobiya oo sheegtay in ay ‘rabtay oo ay diyaar u tahay’ in ay sii waddo howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
Addis Ababa (Raxanreeb online) – Wasiiradda Difaaca ee ka socda Itoobiya iyo dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay sii wadaan dadaallada nabad ilaalineed ee ay ka wadaan Soomaaliya iyagoo wata howlgal cusub, sida lagu...
Dagaal beeleed ka soo cusboonaaday degmada Luuq oo khasaare geystay.
Gedo (Raxanreeb online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo kaasi oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo hubeysan. Iska horimaadka ayaa saaka ka bilowday bartamaha magaalada, waxaana labada maleeshiyo beeleed ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegayaan dadka deegaanka. Maleeshiyaadkii...
Ciidanka Nisa oo Muqdisho ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka boliiska.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Ciidamo katirsan nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, ayaa la sheegay in gurigiisa hortiisa ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka boliiska Soomaaliya oo lagu magacaabayay labo xidigle Hanad Axmed Muuse, falkan dilka ah ayaana ka dhacay xaafada Macalin Nuur ee ku dhaw isgoyska Ex-koontarool. Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa ku warramay in ciidanka nabadsugidda ee...
Xasan Cali Kheyre oo siweyn u cambaareeyay lacaga cusub ee dowladda kusoo rogtay shacabka Muqdisho.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Maamulka gobolka Banaadir, ayaa caasimadda Muqdisho ka bilaabay lacago dad badan aad ula yaabeen oo lagu sheegay in dadka caasimadda lagu diiwaangalinayo, waxaana dadka lagu qasbi doonaa in lacagtaasi ay xoog ku bixiyaan. Sidoo kale, Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa si kulul u dhaleeceeyay lacagtan diiwaangelinta lagu...
Wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliland Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku biiray xisbiga Waddani.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland marna soo ahaa wasirikii hore ee Wasaaradda maaliyada DF Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale oo aqoonyahanno ah, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka Waddani uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale, Siyaasigan oo kasoo jeeda gobolka Awdal, ayaa caddeeyay in uu ku biiray xisbiga Waddani...
Maamulk gobolka Banaadir oo ciidanka ammniga ku amray in dadka degan xaafada xero kalluun ka saaraan.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Warqad kasoo baxday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale , ayaa lagu faray ciidanka boliiska qeybta gobolka Banaadir iyo kuwa nabadsugida in dadka degan ka saaraan xaafada xero Kalluun ee ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sidoo kale, Xaafadan dadka laga saarayo ayaa waxaa iska leh wasaasaradda Kalluumeysiga...
Taliyaha ciidanka boliiska Asad Diyaano oo kormeer ku sameeyay qaar kamid ah saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir
Muqdisho (Raxanreeb online) – Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada boliiska ee ku yaala gobolka Banaadir, waxa uuna kormeerkan ugu kuurgalayay sida ay u shaqeeyaan saldhigyada iyo ciidanka jooga. Sidoo kale, Asad Diyaano ayaana si gaar ah u kormeeray xalay saldhigyadda boliiska ee...
Xildhibaan Jacfar oo xaalkiisu liito oo loola cararay Nairobi
Muqdisho (Raxanreeb online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa galabnimadii Sabtida loola cararay magaalada Nairobi ka dib markii xaalkiisa uu kasoo daray. Xildhibaanka ayaa beryahaan ku jiray isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ka dib markii xannuun kedis ah uu ku soo booday. Warar ayaa sheegaya in xildhibaanka...