Month: October 2024

Wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliland Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku biiray xisbiga Waddani.
Post

Wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliland Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku biiray xisbiga Waddani.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland marna soo ahaa wasirikii hore ee Wasaaradda maaliyada DF Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale oo aqoonyahanno ah, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka Waddani uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale, Siyaasigan oo kasoo jeeda gobolka Awdal, ayaa caddeeyay in uu ku biiray xisbiga Waddani...

Maamulk gobolka Banaadir oo ciidanka ammniga ku amray in dadka degan xaafada xero kalluun ka saaraan.
Post

Maamulk gobolka Banaadir oo ciidanka ammniga ku amray in dadka degan xaafada xero kalluun ka saaraan.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Warqad kasoo baxday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale , ayaa lagu faray ciidanka boliiska qeybta gobolka Banaadir iyo kuwa nabadsugida in dadka degan ka saaraan xaafada xero Kalluun ee ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sidoo kale, Xaafadan dadka laga saarayo ayaa waxaa iska leh wasaasaradda Kalluumeysiga...

Taliyaha ciidanka boliiska Asad Diyaano oo kormeer ku sameeyay qaar kamid ah saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir
Post

Taliyaha ciidanka boliiska Asad Diyaano oo kormeer ku sameeyay qaar kamid ah saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir

Muqdisho (Raxanreeb online) – Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada boliiska ee ku yaala gobolka Banaadir, waxa uuna kormeerkan ugu kuurgalayay sida ay u shaqeeyaan saldhigyada iyo ciidanka jooga. Sidoo kale, Asad Diyaano ayaana si gaar ah u kormeeray xalay saldhigyadda boliiska ee...

Xildhibaan Jacfar oo xaalkiisu liito oo loola cararay Nairobi
Post

Xildhibaan Jacfar oo xaalkiisu liito oo loola cararay Nairobi

Muqdisho (Raxanreeb online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa galabnimadii Sabtida loola cararay magaalada Nairobi ka dib markii xaalkiisa uu kasoo daray. Xildhibaanka ayaa beryahaan ku jiray isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ka dib markii xannuun kedis ah uu ku soo booday. Warar ayaa sheegaya in xildhibaanka...

Kulan hordhac ah oo ku saabsan qorsheyaasha maamulka Khaatumo hortebinta uleh oo ka dhacay magaalada Laascaanood.
Post

Kulan hordhac ah oo ku saabsan qorsheyaasha maamulka Khaatumo hortebinta uleh oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Laascaanood (Raxanreeb online) – Wasaaradda Qorshaynta Maamulka SSC-Khaatumo ayaa qabatay kulan ay iskugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maamulka SSC-Khaatumo kulan kaas oo ahaa mid hor dhac u ah dejinta qorshayaasha maamul SSC-Khaatumo ee lagaga qayb qaadanayo qorshaha heer qaran ( National Transformation Plan). Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Mudane Cismaan Aadan Xuseen oo shirka...

Golaha baarlamaanka SSC-Khaatumo oo ansixiyay xeerka ciqaabta howlgalada.
Post

Golaha baarlamaanka SSC-Khaatumo oo ansixiyay xeerka ciqaabta howlgalada.

Laascaanood (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Jaamac Yaasiin Warsame oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Muxyadiin Maxamed Jaamac iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Jaamac Aadan Cismaan ayaa shir-guddoomiyay fadhigii 14-aad ee Kal-fadhiga 2-aad Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo. Ajendaha Fadhiga maanta oo ahaa Ansixinta/Diidmada Hinidise Sharciyeedka Ciqaabta Horgallada. Mudanayaasha Golaha...

Waraaqaha codbixinta doorashada Somaliland oo Hargeysa ka degey – Sawirro.
Post

Waraaqaha codbixinta doorashada Somaliland oo Hargeysa ka degey – Sawirro.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Guddiga Doorashooyinka #Somaliland, oo ay wehlinayaan wakiillo ka socda xisbiyada siyaasadda iyo ururrada, ayaa Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal kula wareegay waraaqaha codbixinta ee doorashada Somaliland. Waraaqaha codbixinta, oo lagu soo daabacay dalka Ingiriiska, ayay diyaarad gaar ahi keentay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Tani ayaa ka dhigan in doorashada Somaliland ay...

Masar Oo Xaqiijisay Qorshe Ay Ciidan Ugu Diraynayso Soomaaliya.
Post

Masar Oo Xaqiijisay Qorshe Ay Ciidan Ugu Diraynayso Soomaaliya.

Masar (Raxanreeb online) – Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Masar ay dhawaan u soo diri doonaan Soomaaliya. Wareysi uu dhawaan siiyay AlQahera News ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay wali ka go’an tahay taageerada Soomaaliya iyo adkeynta amnigeeda. Tani waxay ku soo beegantay toddobaadyo uun ka dib...

Guddiga Midowga Afrika ee soo socda oo laga yaabo in uu soo bandhigo xirfadahooda maaraynta isku dhaca taas oo ka dhalatay guul-darradii ku timid ururka Midowga Afrika.
Post

Guddiga Midowga Afrika ee soo socda oo laga yaabo in uu soo bandhigo xirfadahooda maaraynta isku dhaca taas oo ka dhalatay guul-darradii ku timid ururka Midowga Afrika.

Mqudisho (Raxanreeb online) – Guddiga Midowga Afrika ee soo socda oo laga yaabo in uu soo bandhigo xirfadahooda maaraynta isku dhaca taas oo ka dhalatay guul-darradii ku timid ururka Midowga Afrika.Guddiga Midowga Afrika ee soo socda ayaa laga yaabaa in uu soo bandhigo xirfadahooda maaraynta isku dhaca taas oo ka dhalatay guul-darradii ku timid ururka...

ATMIS oo soo bandhigay istaraatijiyadda amniga ka dib maalgelin loo yaboohay
Post

ATMIS oo soo bandhigay istaraatijiyadda amniga ka dib maalgelin loo yaboohay

Muqdisho (Raxanreeb online) – Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo dhismaha nabadda Rosemary DiCarlo iyo danjire Souef Mohamed El-Amine oo ah madaxa howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maanta wadahadallo heer sare ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Wada-hadalladan ayaa ku saabsanaa is-beddelka amniga ee...