Aljeeriya ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kormeeray Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya. Madaxweynaha ayaa xogwareystay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda oo uu hoggaaminayo Danjire Yuusuf Axmed Xasan, iyadoo ay soo bandhigeen guulaha dublumaasiyadeed iyo iskaashiga...

