21 qof ayaa ku dhintay, 64 kalena waa a ku dhaawacmeen duqeynta Isra’il ee Rafax

21 qof ayaa ku dhintay, 64 kalena waa a ku dhaawacmeen duqeynta Isra’il ee Rafax

Rafax (Raxanreeb) — Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas maamusho ayaa sheegtay in 21 qof lagu dilay 64 kalena ay ku dhaawacmeen koonfurta Gaza.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Falastiin, Nabil Abu Rideynah ayaa sidoo kale ka hadlay duqeynta maanta ee Rafax isaguu ku tilmaamay “Xasuuq”. Sidaasna waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa

Falastiiniyiin badan ayaa ka qaxaya Rafax iyagoo raadsanaya meelo kumeel gaar ah ay galaan kaddib duqeyta cirka iyo taangiyada Israel.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda UK, David Cameron ayaa sheegay in duqeynta Rafax ee Axadii ay tahay “mid aad looga walaaco”.

“Waxaan dalbaneynaa in degdeg loo baaro,” ayuu yiri Cameron oo sidoo kale sheegay in uu doonayo in dagaalka la hakiyo, la haystayaasha la sii dayo iyo in loo ogolaado Gaza gargaarka.

Dawladaha Spain, Norway iyo Jamhuuriyadda Ireland waxay si rasmi ah u aqoonsadeen Dawladda Falastiin.

Ugu yaraan 36,096 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 81,136 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.