34777

 Muqdisho (Raxanreeb online) – Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku riday 7-askari oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay dil, qalqal amni iyo ku xadgudub dhul dowladeed. Eedeymahan ayaa ka dhashay dagaal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo sababay dhimashada hal qof oo ka dhashay muran hanti dadweyne.

Askartii kiiskaas ku lug lahayd waxay kala ahaayeen: Mahdi Colaad Xiirey, Nuur Daahir Xirsi
, Xasan Cabdulle Samatar, Maxamed Khaliif Xuseen, Cabdiqani Cali Xaaji, Nuur Cabdi Maxamed, Axmed Xasan Maxamed.
Muranka ayaa yimid xilli dhismo laga dhisayo dhul dan guud ah, kaasoo isku bedelay gacan ka hadal, kaasoo sababay dhimashada C/llaahi Maxamed Ibraahim.

Dhageysiga dacwadda maxkamadda oo isugu jiray marqaatiyaal markhaatiyaal, doodo qareenno difaacayay, iyo caddeymaha xeer ilaalinta, ayaa lagu soo gebagebeeyey go’aammada soo socda.

Mahdi Colaad Xiirey iyo Nuur Daahir Xirsi ayaa lagu amray inay bixiyaan 100 neef oo Geel ah “Diyaa” (mag-dhowrka dhiigga) qoyska dhibbanaha C/llaahi Maxamed Ibraahim. Labada askari ayaa sidoo kale lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah.
Xasan Cabdulle Samatar ayaa lagu xukumay 7 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay dagaalka.
Maxamed Khaliif Xuseen, C/qani Cali Xaaji, Nuur Cabdi Maxamed, iyo Axmed Xasan Maxamed ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen.
S/Guuto Liibaan Cali Yarow Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in go’aankaasi ay ku gaareen kadib markii si taxadar leh loo eegay cadeymaha iyo dooda ay soo bandhigeen labada dhinac. Waxa uu carabka ku adkeeyay in go’aanka maxkamada uu yahay mid ku saleysan baaritaan dhab ah iyo in ay ka go’an tahay xaqiijinta cadaaladda dhibanayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.