Riyadh (Raxanreeb ) Puntland waxay tijaabinaysa 25 sanno kaddib, madaxweynihii u horreyay oo markii labaad oo isku xigta xilka loo dooranayo, taa oo soo dhaweynaysa xilligii loo tallaabi lahaa isbeddel kale oo ay tusaale u noqon karto Puntland oo ahayd maamulkii u horreyay oo ka dhismay gobollada bariga,bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, dhismaha maamulka wuxuu u ahaa bulshadda Soomaaliyeed dhiig-joojin, tusaalo looga soo qaadan karo sida uu deegaanka u noqday meel ay ku deggeen dadkii ay soo qaxiyeen dagaalladii sokeeyo ee dalka iyo sida ay u noqotay magaalada dekedda badda cas ku taalla ee Boosaaso goob u noqotay dalka oo dhan dhuun quudisa.
Intaa oo jirtay, mar kale ayaa dib loo soo eegay Puntland, sababto ah waxaa doorashada madaxweynaha dib loo doortay madaxweynihii xilka horey u joogay, dib u doorashadaana waxay dhalisay rajo isbeddel dhab ah oo ku aaddan in ‘Puntland ay ka tallaabsato caqabadaha ay wajahdey’ 25-tii sanno ee ay dhisnayd. Puntland waxay ku sheegi karaan dadkii u joogay dhismaheeda iyo indheer-garadka inuu jiro waxyaabo badan oo ay ahayd waqti hore in laga gudbo, iyagoo hadda sheegaya inay tahay inuu sii ambaqaado madaxweynaha dib loo doortay.
Halkan waxaan ku soo aruuriyay arrimaha ay tahay in wax laga qabto si loo gaaro isbeddelka bulshadda Puntland ay ku taamayaan;
Puntland, waxay tusaale u noqotay Nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliyeed, gobolka waa mid xasilloon oo nabadgalyo la isku halayn karo ay ka jirto, sidoo kale waxaa jira horumaro gaabis ah ee dhinaca adeegga Dawliga ah, in ka badan Dawladda waxay bulshadda sameeyaan maalgashi xoog leh iyo door muuqda oo ay ku leeyihiin dib u dhiska, inad ku arkaysid caasimadda Garoowe iyo gobollada kale dhismayaal adeeg bulsho oo ay dadku maalgeliyeen, waddooyin dadku dhiseen illaa bulshadda Puntland ay jabiyeen darbiga iskutashiga markii ay billaabeen dhismaha illaa la dhammeystiray oo ay shaqeysay deked lagu dhisay isku tashi oo ku taal gobolka Mudug. Waxa kalo oo ka jira Puntland ayaa ah dadka inay u abaabulan yihiin adkeynta nidaamka amniga iyo horumarinta, halka Nidaamka Dawladeed oo gaabis uu ku jiro horumaro muuqda laga arkay sannadihii u dambeeyay, sida horumarinta waddooyinka iyo xarumaha hay’adaha Dawladda la gaarsiiyay dhammaan gobollada. Hadda waxaa hortaalla Madaxweyne Deni oo dib loo doortay dhowr qodob oo mudnaan u leh deegaanka iyo bulshadda Puntland.
Dhab-u-heshiis;
Puntland, sannadihii u dambeeyay waxaa muuqanayay sida ay u tahay wax walba in looga horumuriyo dhab u heshiis bulsho, kaddib dhacdooyin is xig-xigay oo ka dhacay bulshadda dhexdeeda , qabaa’ilka oo tabasho isi-soo tartay gudbinayay iyo kala aragti duwanaanta siyaasadda oo dhex gashay qaybaha bulshadda, si haddaba loo helo hoggaanka iyo bulshadda oo wada socda, waxaa mudnaan leh in madaxweyne Deni uu dedejiyo qorshayaal qayb ka ah qorshaha guud oo la xiriira dhab u heshiisiinta bulshadda si meesha looga saaro tabashooyinka jira.
Nabadgalyadda iyo hay’adaha ammaanka;
Waxaa ka jirta sida korba ka muuqata nabadgalyo la isku halayn karo, marka la joogo Puntland, balse Nabadda waa mid ku tiirsan bulshadda in ka badan hay’adaha ammaanka, maaddama ay bulshadda Puntland si isku mid ah meel uga soo wada jeesteen dhammaan falalka lidiga ku ah amniga saameynaya nidaamka iyo deegaanka, waxa dhammeystiraya ayaa ah in la helo hay’addo ammaan oo leh adeeg iyo agab dhammeystiran oo ku howlgallaya siyaasadda wax ka taraya amniga; tusaale ahaan in ciidammada ay noqdaan kuwa madax bannaan oo leh tababbaro iyo akhlaakhiyad ciidan oo heysta fahan ku filan oo ah inay yihiin ciidan dawli ah oo leh hal ujeeddo oo ah nabadgalyada guud ee deegaanka, tan xigta oo ah laamaha kale ee amniga inay yihiin kuwa dhisan, arrimaha la sheego waxaa ka mid ah 25 sanno inaysan Puntland lahayn ciidan ku filan oo nidaam ahaan u dhisan sida hannaan Dawladeed oo 25 jir ah, waxa u baahan wax ka qabashadana waa in la helo isku xir kalsooni la jirto, bulshadda ,ciidanka iyo hay’adaha sirdoon.
Dhaqaalaha;
Nidaam dhaqaale oo sal adag, waa mid ka mid ah caqabadaha u diiddan horu-socodka, taa oo ina tuseysa mar kasta oo isbeddel dhaqaale iyo kobac uu yimaado in loo dhawaanayo waddo horumarin oo wax u tarta bulshadda iyo nidaamka Dawliga ah, si taa loo gaaro Puntaland waa mid ka ah goobaha la eeganayo kaddib Dawladda dhexe ee Federaalka ah, waxaana lagu gaari kara isbeddel deg deg ah oo dhaqaale ; Dib usoo noolaynta kaabayasha dhaqaalaha, Hirgelinta ilo dhaqaale, sida warshado, Kor u qaadista nidaamka canshuuraha oo dib loogu soo celiya adeegga bulsho, Kor u qaadista xirfadaha bulshadda si loo dhimo shaqo la’aanta, dejinta siyaasaddo wax ka taraya yareynta shaqo la’aanta, Horumarinta wax-soosaarka sida, beeraha, khayraadka badda iyo barriga iyo taageerrada ganacsiyada oo kuwa yaryar ay u helayaan nidaam door ka qaadanaya kobacooda.
Adeegga Bulshada;
Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, in ku dhow dhammaan waxay ku guul-darreysteen in waddanka u helo nidaam dawladeed oo ku filan adeegyada bulshadda, waana mid ka mid ah halka la doonayo inay Puntland tusaale uga noqoto adeegga bulshadda iyo horumarintooda.
Waxbarashada;
Puntland waxa ay u baahantahay Nidaam wax barasho oo tayaysan sida Manhaj dhammaystiran oo ku jaan go’an baahida bulshada, Macallimiin khibradooda iyo aqoontoodu sarreyso, helitaanka agabka waxbarasho sida Buugaagta iyo Tiknoolojiyadda loo baahanyahay iyo goobo waxbarasho oo tayo sare.
Caafimaadka;
Caafimaadka waa baahida ugu wayn ee shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ay baahi wayn u qabaan, 25 sanno kadib,Puntland waxay u baahantahay, qorshe caafimaad oo dhammaystiran haddii ay ahaan lahayd hirgelinta isbitaallo tayo sare leh, hubinta tayada dhakhaatiirta ka howl gallaysa waddanka, hubinta tayada dawooyinka waddanka lasoo galinayo.
Shaqo Abuurka Dhallinyarada;
Puntland, si la mid ah dhulka Soomaaliyeed dadka ugu badan ee ku nool waa dhallinyaro, kuwaaso wajahaya marxalad shaqo la’aan oo saameyn xooggan ku yeelatay, si looga badbaado dhibaatada waa in la helo siyaasaddo waxtar ah, sinnaan shaqo,daahfurnaan iyo horumarinta xirfadaha oo lagu jaangeynayo xirfadaha suuqa shaqadda.
Horumarinta Aadanaha;
Kor uqaadida Xirfadaha, Aqoonta, iyo awoodaha dadka si ay hal abuur iyo wax soo saar u yeeshaan.
Maamul Wanaagga;
Waxaa laga doonayaa hay’adaha dawliga ah in ay u maamullaan hawlaha guud iyo maamullida hantida guud si hufan iyo dammaanad qaadka xaqiijinta xuquuqul insaanka si dhab ah oo ka fog ku takri fal ka awoodeed, ka dheeraanta musuq maasuqa iyo ilaalinta sharciga.
Dimuqraadiyadda;
Sii amba qaadidda Nidaamka Dimuqraadiyadda oo shacab waynaha siinaya awood ay ku doortaan cidda ay matali lahaayeen si ay ula xiaabtamaan una doortaan cidda saxda ah oo u qalanta in ay bulshadda hoggaamiso.
Gunaanad;
Dhamman dhinacyada aan ka soo hadalnay, waxay Puntland ka samaysay qaybo badan oo ka mid ah horumar la arki karo uu u baahan siyaasaddo sal adag oo dhammeystira.Puntland maanta waxa ay fursad u heshay dib usoo noqosho Madaxweyne leh khibrad 5 sanno oo hore, waxbadan aysan ka qarsoonayn baahiyaha iyo duruufaha ballaaran ee dalka ka jira, haysta sharciyad 5 sanno oo cusub haddii Alle wayne uu kusimo, balse ififaalo iyo rajo waxay u billaaban bulshadda marka uu soo dhiso xukuumad ku filan filashada bulshadda Puntland oo ah inay gaaran isbeddel la da’ah 25 sanno, madaxweyne Deni, waa hortaalla doorasho muhiim oo Puntland uu ku jiheyn karo si dhab ah horumar iyo isbeddel waxtar leh, waana mid ku xiran cidda qaadaysa mas’uuliyada adeeg bixin inay noqoto cid u leh khibrad iyo waayo-aragnimo gaarsiisan xilka ,sida golaha wasiirrada ee laga sugayo madaxweynaha.Madaxweyne, Saciid Cabdullaahi Deni waxaan ka rajaynaynaa dhammaan qoddobada aan kor kusoo sheegnay inaysan ka qarsoonayn in badan oo kamid ah na ay ku jireen ballanqaadyadiisa, waxaan ka rajayn inuu wax badan u qaban doono reer Puntland.
W/Q Mohamed Abdiaziz Ali
Leave a Reply